
Wuxuu yiri; Mudo lix bilood markii ay arooskeyga kasoo wareegatay habeen ayadoo xaaskeyga i dhinac jiifto anigana TV iska daawanayo ayaa si lama filaan ah waxaa iigu soo dhacday bashqad, waan furay bashqadii isha ayaana mariyay waxaana ku qorneyd fariintaan; "Waa heblaayo, waxaan maqlay inaad guursatay, balse ogoow inaan wali xiiso kuu qabo".
Gabadha fariinta iisoo dirtay waa gabar aan mudo hore saaxiibo aheyn, aad ayay u qurux badneyd balse wax calaf ah iskuma helin, taleefankii ayaan iska xiray si aan u hubiyo in xaaskeyga ay soo jeedo ama hurudo.
Markaan dhankeeda soo eegay ayaan waxaan arkay ayadoo hurdo dheer moolka kaga jirta, waxay u muuqatay mid shaqadii ay maanta guriga ka qabatay kusoo yara daashay, markaas ayaan waxaan is weydiiyay; Yaa kalsoonidaan siiyay una ogolaaday in xasiloonidaan ay ku hurudo? Waxay dhex jiiftaa guri cusub, waxayna aad uga fogtahay gurigoodii ay mudo 20 sano ku nooleyd, waxay ka fogtahay ehelkeeda, hadana ayadoo sidaas tahay waxay u jiiftaa si kalsooni leh waliba 100%.
Bal maxaa ku kalifay in wax walba kasoo tagto? waalidkeeda kasoo tagto? walaalaheed kasoo tagto? ehelkeeda kasoo tagto? nolosheedii kasoo tagto? kadibna aniga inta ii imaado guri cusub igula noolaato? Cunto ii kariso? Dharka ii dhaqdo? Murugteyda la murugooto? Farxadeydana la faraxdo? Noloshana ila qeybsato?
Intaas oo dhan waxaa iiga daran kalsoonida ay ku jiifto, sidii iney hubto iney la nooshahay qof masuuliyadeeda qaadi karo, dhibka ka ilaalinaaho, farxadeeda ka shaqeynaayo, noloshana u maceynaayo?
Ilbiriqsiyo yar ayay maskaxdeyda waxaasoo su'aalo ah is weydiiyeen, waxaana iisoo baxday oo caqligeyga iyo garashadeydaba isiiyeen inaan taleefanka soo qabsado isla markaana Block saaro gabadhii dambe ee ila soo xiriirtay, waxaana si kaslooni leh u seexday xaaskeyga dhinaceeda, waxaana iska diiday inaan kalsoonideeda khiyaano niyadana ka dilo.
W/Q:Cabdiraxmaan Xasan Anteeno