
Laasacaanood (RH\)-Maamulka Khaatumo ayaa goordhow sheegay in ay sii dayn doonaan maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii sannadkii 2023-kii ka dhacay magaaladaaas oo u dhexeeyay iyaga iyo Somaliland.
Hoggaamiyaha maamulka Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye oo hor tagay golaha wakiilada SSC Khaatumo ayaa ka codsaday in la sii daayo maxaabiis gaaraya 50, iyadoo lagu qadarinayo wafdiga ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maalintii saddexaad ku sugan magaaladaas.
Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegay in golaha ay ka diideen tiradaas in la sii daayo balse ay markii dambe ay oggolaadeen in la sii daayo 25 Maxbuus, sida saxaafadda maxalliga ku warrantey.
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo markii dambe la hadlay golaha wakiilada oo fadhi degdeg yeeshay, ayaa sheegay in dhammaan isimada isku raaceen in maxaabiista la sii daayo, dowladda federaalkana ay ka oggolaadeen in dib loo furo wadahadallada iyaga iyo Somaliland, si loo dhammeeyo khilaadka jira.
Waxa kale oo Firdhiye uu sheegay in sii daynta maxaabiista Somaliland aysan ku xiraynin wax shuruud ah.
Arrintan ayaa ku soo aaday iyadoo maalmahan aad loo hadal hayay sida laga yeelayo maxaabiista ay kala qabsadeen Somaliland iyo Khaatumo intii uu socday dagaalka ka dhacay magaalada Lasaacaanood ee xarunta gobolka Sool labo sanno ka hor.
Radio Hormuud
Studio 3
Laasaacaanood-Sool