Saddex tallaabo oo akhriska u wanaagsan

Caalamka akhrisku waa caalam maskaxdeenna ku habboon una qalma. Waana halka ay tahay in garaadkeennu dhex mushaaxo. Hase ahaatee jid gooyo ayaa loo galay akhriskii, dad badanna dayro ayay ka noqdeen. Waxaase ognahay in qof waliba ku hamminayo in uu akhriste wanaagsan noqdo oo caalamka akhriska galo.

Mar haddii doonistaasi kugu jirto, saddexdan tallaabo uun qaad, xalku waa uu dhow yahay e.

1. Qeex hadafkaaga. Ma barashada afbaa? Ma maaddo jaamacaeedbaa? Ma horumarin nafeed iyo in aad dhaqaale, caafimaad iyo nolol deggaan dhisataa? Maxay ayaad wax u akhrinaysaa? Haddii aad hadaf iyo u jeeddo adag leedahay, markaste akhrisku waa uu kuu fududaanayaa. Haddii se aanad intaa midna lahayn, balse aad akhriska hecashahay waxa iyana jirta ujeeddo kale oo culus oo ay tahay in uu qof waliba wax u akhriyo, waana in uu garaadkiisa iyo hab fekerkiisa ballaadhiyo. Qofka aan doonayn in uu garashadiisa ballaadhiyo, xoreeyo, oo fahan gundheer ka unko, waa mid maskax xidhan oo maan gaaban. Adna kaa ma tihid.

2. Samayso xaddi bogag ah ama saacado ah oo aad wax akhrido. Yeelo bogag maalin le ah oo aad idalayso. Tusaale ahaan, buug boqol bog ka kooban ayaa kuu yaalla. U qaybi tirada bogagga maalin laha ah ee aad akhrido. Marka aad bilawga tahay 10-15 bog ka dhigo, si aad ula qabsato. Haddii uu maalmaha qaar kula macaanaado akhrisku waa aad sii wadi kartaa, balse xaddiga kuu qorshaysay hoos ha uga dhicin.

3. Fanka aad jeceshahay akhri. Haddii aad jeceshahay akhrinta sheekooyinka iyaga ku bilaw. Haddii suugaantu ku madaxmartay iyada dhex gal. Sidoo kale haddii ay falsafadda kaa hayso iyada bisinka u qabo. Muhiimaddu waa in aad akhriska la saaxiibto, oo buuggu aanu gacantaada ka bixin.

Saddexdaa tallaabo iyo inta aad adigu ku darsanaysaba, waa kuwo caalamka akhriska ku dhex geynaya, kaana dhigaya akhriste aan buugta isku sawirin e, akhriya oo dhanka kale uga baxa.

W/Q:Wahiib Cali

Category