
Nairobi-(RH)-Sida ay baahisay Majladda caanka ah ee The Newyork Times, saraakiisha ugu sarraysa dawladda Maraykanka ayaa wada dedaallo lagu dalbanayo in la xidho Safaaradda uu Maraykanku ku lee yahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka dib markii ay sii xoogaysteen weerarada ay wadaan kooxaha Xagjirka ah ee ka dagaallama Soomaaliya.
Masuuliyiinta hawshan dabada ka riixaya ayaa sheegay in deg deg loo soo daad gureeyo shaqaalaha iyo Muwaadiniinta u dhashay Maraykanka ee ku sugan Muqdisho iyaga oo ka walaacsan in xaalku noqon karo si la mid ah wixii Afgaanistaan ka dhacay sannadkii 2021-kii.
Wargeyska ayaa intaa ku soo daray in hawlaha ka socda Soomaaliya la gaadhsiiyey dhinaca madaxweyne Trump iyada oo saraakiisha qaarkood ay soo jeediyeen in aan laga soo bixin Soomaaliya si aan loo niyad jebin dawladda Soomaaliya.
Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli dawladda Soomaaliya ay Maraykanka dhawaan u gudbisay codsi ah in Maraykanka ay siinayaan Dekeddo ku yaalla Somaliland iyo Puntland
W/Q:Hassan Gallaydh