Warar

William Samoei Ruto ayaa loo doortay madaxweynaha shanaad ee Kenya kaddib doorashadii dalkaasi ka dhacday maalintii Talaadada ee 9ka Agoosto 2022, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Wafula Chebukati.

Madaxweynaha la doortay ayaa helay ugu yaraan 25% codadka 39 degmo oo ka tirsan dalka. Guusha doorashadiisa waxaa qeyb weyn ka qaatay gobollada Mt Kenya iyo Rift Valley oo muhiim u ahaa guushii 2013 iyo 2017 ay ka gaareen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo isaga oo xilligaas isku isbahaysi ahaa.