Ma runbaa Shabaab in ay qabsadeen Aadan Yabaal?

Dawladda Soomaaliya ,waxay maanta wajahday guul-darro istaraatiji ah oo ka soo gaartay dagaalka lagula jiro AS, kaddib markii kooxdan ay gudaha u gashay degmada Aadan Yabaal oo ka mid ah saldhigyada istaraatijiga ee muhiimka oo ciidamada dawladda ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha dhexe, halkaa oo ay muddooyinkii dambe ku sugnaayeen saraakiisha ugu sarreysa ciidanka dawladda.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidanka deegaanka ayaa qabsaday Aadan Yabaal, oo 245 km dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Muqdisho, bishii December ee sannadkii 2022-kii, balse weerar ay AS , ku qaaday horraantii maanta Aadan Yabaal, halkaa oo qeybo ka mid ah ay isaga baxay ciidankii dawladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa. Soo gelitaanka Aadan Yabaal ee AS, waxaa loo arkayaa khasaarihii ugu sarreeyay ee soo gaaray, howlgalkii ay ku dhawaaqday dawladda bartamihii sannadkii 2022.

Duullaankan ku qaaday deegaankan istaraatijiga, ayaa soo bandhigaysa sida dagaalka kooxdan argagixiso ugu baahanyahay istaraatijiyad cad oo waxtar ah , ka hor inta aysan sare u kicin khatarta AS oo hadda isku muujinaya inay iskudayayaan sidii ay isugu furi lahaa goobaha ay kooxdan maamusho, taa oo awood u siinaysa inay xoojiso awoodooda dagaal.

Waa maxay waxa loo baahanyahay?

Xilli khatartu sare marayso , hadana ma muuqata inay dawladda ku wajahayso kooxdan istaraatijiyad dagaal oo lagu dhimayo dhaqdhaqaaqyada weerar ee kooxdan, oo ku imaan karta in la xoojiyo doorka hoggaamineed ee dagaalka , sidoo kale sare loo qaado cadaadiska looga hortagayo kooxdan oo lagu gaari karo in la furo dagaallo jihooyin kale duwana, lana mideeyo aragtida dagaal ee dawladda federaalka iyo dawlad-gobolleedyada , taa oo suragelin karta in lagu wajaho dagaalkan hab waxtar leh oo lagu burburinayo khayraadka iyo awoodda dagaalyahan ee AS.

Ciidanka dawladda iyo kuwa deegaanka waxay leeyihiin awood iska caabin iyo weerar oo ay ku gaareen guulo waxtar ah, balse laguma waarin, sabab la xiriirta inaysan jirin hoggaamin iyo istaraatijiyad dagaal, oo ka dhalatay inan waxba laga beddelin istaraarijiyada dagaalka; maqnaashaa midnimada dagaalkan ee Soomaalida oo dhan ayaa sidoo kale fududeysay hamiga AS ay ku raadinayso in laga billaabo gobollada koonfurta illaa bartamaha dal ay ka dhaliso dhaqdhaqaaq xor ah oo ay isku gaari karaan dagaalyahannada kaga sugan ee muddada dheer lagu kala go’doomiyay goobaha ay ku suganyihiin.

Fiiro gaar ah;

Soo gaarista AS ee Aadan Yabaal, waa inay qof walba ku dhiirrigelisaa inuusan jirin dookh aan ahayn in la helo midnimada dagaalkan, sidoo kalena sare loo qaado cododka ka hor imaanaya burburka istaraatijiyadeed iyo dayaca ka muuqanaya habka loo wajahayo ka hortagga khatarta AS , tan oo haddii aan lagu dhaqaaqin natiijada la sugayo ay tahay in meel kasta oo ka mid ah dalka ay gaari karto khatarta AS..!

W/Q: Imaan Jaamac

Saxafi mada bannaan

Category