Aniga iyo Digfeer (Sheeko dhab ah)

Waxaan maqlayaa cod hoose oo ii yeedhaya oo i leh "ii kaalay Abti". Waxaan dareemayaa codkiisa oo aad u liita in lagu kordhay maadaama xalay xanuun yar bogga ka hayey. Guriga waxaan ku nahay labadeena oo kaliya, oo dadkii badankii wey kala foofeen.

Wuxuu si hoose iigu yidhi "Abti Yaasiin wax qabow ii keen bogga ayaad moodaa inuu i gubanayee" Waan cararay aniga oo aaday dhanka Albaabka banaankiisa oo waxaa meel ilinka u dhaw meherad sharaabka lagu iibiyo ku lahaa Siciid Aabihiis.

Waxaan kasoo qaaday Sharaab loo yaqaanay Shaani oo aad u casaan badan. Sharaabkii ayuu cabay wuxuuna dareemay deganaanshiyo sidii hore dhaama, balse hal mar ayuu matag lasoo jeedsaday, uu ii qaylo dhaamiyey! wuxuuna i dhahay "Abti waan liitaaye dad iigu yeedh" naxdin iyo anfariir weynaa! Waan cararay adeero Yusuuf oo Studio Top One qaybta sare fadhiya ayaan qaylo ugu galay aniga oo warka dhiilada leh u sheegaya "Adeero, aad ayuu u xanuunsanayaa Abtiyo Yaasiin, wuxuuna i leeyahay waan liitaa ee dad iigu yeedh" Adeerkay kollay waxa uu ahaa saaxiibkiisa ugu dhawaa, intuu dhulka dhigay wuxuu gacmaha ku hayey oo aan u malaynayo Canjalado kuwa waaweyn ayuu orod Sallaanka uga soo degay, sababtuna xalay ayuu la socday xaaladiisa caafimaad.

Qolka ayuu ugu yimid, wuxuu arkay matag wada dhiiga, isagoo si awood darro ka muuqato u kala dhacay iyo xaalada oo aan wanaagsanayn ka dib ayuu Adeero Yuusuf u sheegay in lama huraan tahay inuu Cusbitaal geeyo.

Dhakhtarka la gee, warkii xanuunku wada gaadh inta badan saaxiibadii, waxaana cabaar ka dib ii yimid Cabdinaasir Macallin Caydiid isagoo xaalada Yaasiin Axmed i weydiiyey, una sheegay siday wax u jiraan.

Waxaa gallinka hore ee ayaantaas guriga iigu yimid tiro fanaaniin mudda-kara oon halkan ku wada xusi karin, dhammaantood ahaa jaalkiisa dadka iskugu jeclaayeen.

Haddaba aniga oo kaligay qolka hore iska kambadhuudha ayaa waxaa ii soo gashay Manaan Muuse Cali Faruur oo si kaftana ii dhahday "Yaasiin yare Shaanidan ma adigay kaa hadhay" deedna cabtay. Sheegista Shaanida ee Manaan waxay dib ii xasuusisay inay dhammaan dadkii Yaasiin Axmed dhakhtarka la joogay moodayeen inuu dhiig matagay. Inkasta oo Teleefan lagula xidhiidho sida maanta uusan jirin, haddana waxaan sugay inta qof kasoo laaban doono Cusbitaalka si aan ugu sheego arrinta.

Hooyo Ubax oo alaab u qaadaysay dadka caawa la jiifan doona ayaan fariintii u sheegay ahayd; "Inaan u keenay Shaani qabow, waxaa uu matagayna ahayn Dhiig oo ay ahayd Shaanidii uu cabay" Ka dib ayaa qof walba oo meesha joogay qalbiga qaboobay, dareemayna in xaaladu siday malaynayeen ahayba.

Qaliin uu ku sameeyey Dr Axmed Cabdi wuxuu sheegay "Haddii uu muddo toban maalin ah kaga bogsado inuu Gaaska sidaas ku dayn doono, haddii kale se' Rabbi tiisa tahay "Eebbe naxariista Janno haka waraabiyo ma uusan gaadhin tobankii maalin ee tiisii ayaa u timid Yaasiin Axmed Goox (Digfeer).

Sawirku waa: Zero Andhi, Jigjiga, Ethiopia.

Sawir-qaade: Samel ayaa qaaday.

W/Q: Garaad Yaasiin

Category