Aas Qaran oo maanta Hargeysa loogu sameeynayo madaxweynihii hore ee Somaliland

Hargeysa (RH)-Allah ha u naxariistee, waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Hargeysa lagu aaso, madaxweynihi horre ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyooo Sabatidii la soo dhaafay geeriyooday.

Guddiga qaban-qaabada aaska ayaa sheegay in meydka Siilaanyo lagu aasi doono xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa in dad badan ay ka qayb galaan duugta.

Dadka ka qaybgalaya aaska waxaa ka mid ah mas'uuliyiin ka imaanaysa dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo), wuxuu ahaa madaxweynihii afaraad ee Somaliland, waxaana uu ku geeriyooday da'da 86.

Marxuumka ayaa taarikh weyn ku lahaa dhulka Soomaalida, haddii ay ahaan lahayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Somaliland.

Waxa kale oo uu ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeraad ee ururkii SNM, wasiirka qorsheynta ayuu ka soo noqday Soomaaliya, sidoo kale wasiir ayuu ka soo noqday Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu ahaa aasaasihii xisbiga Kulmiye ee hadda xilka Somaliland haya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category