Halkan ka ogow Xayawaanka laga helo Soomaaliya oo laga qaado xanuunka juudaanka

Bani’aadamka ayaa laga yaabaa inay xilliyadii hore cudurka juudaanka ka qaadeen xayawaanka dabagaallaha, sida ay sheegeen baarayaasha.

Waxay daraaseeyeen lafaha bani’aadamka iyo dabagaallaha cas oo laga soo saaray goobo ku yaalla magaalada Winchester, ee koofurta England, waxayna ogaadeen inay si dhow ula xiriireen bakteeriyada cudurka sababta.

Juudaanku waa xanuun ragaad ah oo faafa kuna dhaca bani’aadamka isagoo asiiba maqaarka, neerfayaasha iyo xuubka maskaxda. Weli looma maleynayo in qof ku nool UK oo xanuunkan qaaday muddo 70 sano ah balse weli wuxuu ka jiraa qeybo badan oo dunida ka tirsan.

Xayawaanka la yiraahdo Armadillos ayaa laga helaa bakteeriyada xanuunka waxaana laga shakisan yahay inay u gudbiyaan bani’aadamka. Qaar ka mid ah dabagaallaha cas ee xilligan casriga ah ee UK ku nool ayaa sidoo kale qaba bakteeriyadan, balse weli lama soo sheegin hal kiis oo inay aadmiga u gudbiyaan ah khubarrada ayaana sheegay in khatartu ay tahay mid hooseysa.

Waa markii ugu horreysay ee xayawaan xilliyadii hore noolaa la sheego inuu xanuunkan u gudbiyo bani’aadmiga.


"In juudaanka laga helo dabagaallaha cas ee xilligan waa mid yaab leh waana wax cajiib ah inaan ka helnay xilliyadii hore," ayay tiri Dr Sarah Inskip oo ka tirsan Jaamacadda Leicester.

"Dhabtii waxay ka hor imaaneysaa sheekada ah inuu ahaa cudur bani’aadamka gaar u ah," ayay tiri.

Ma cadda in dabagaallaha cas ee xilliyadii hore noolaa uu aadmiga u keenay xanuunka juudaanka amaba in aadmigu u gudbiyay baraska.

Balse bakteeriyada labada laga helay ayaa waxaa lagu ogaaday in cudurku uu xilliyadii dhexe ku wareegi jiray bani’aadamka iyo xayawaannada si aan weli la arag, ayay sheegeen baarayaasha.

Xilliyadii hore, dufta dabagaallaha ayaa laga sameysan jiray dharka dadka qaarna guryaha ayay ku heysan jireen gaar ahaanna haweenka ayuu aad uga ag dhowaa.

Baarayaasha ayaa daraasad ku sameeyay dheecaan laga qaaday 25 qof iyo 12 dabagaalle.

Haraadiga bani’aadamka ayaa laga soo qaaday isbitaalka Winchester ee lagu daaweeyo dadka qaba juudaanka halka haraadiga dabagaallahana laga soo qaaday meel u dhow isbitaalka oo xarun u ahayd dadka dufta dharka ka sameeya.

Daraasado hore loo sameeyay ayaa lagu ogaaday in dabagaallaha cas ee haatan ee ku nool Scotland iyo Jasiiradda Brownsea oo dhacda xeebta koofurta England ay qaadaan xanuunka juudaanka.

Waaxda caafimaadka bulshada ee England ayaa sheegtay in suurtogalnimada ah in bani’aadamku ay xanuunkan ka qaadaan dabagaallada ay yar tahay horena aan loo helin kiis noocan ah.

Juudaanku waa mid ka mid ah xanuunnadii ugu horreeyay ee la diwaangeliyay ee ku dhacay bani’aadamka welina wuxuu ka jiraa dalal ku yaalla qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Koofurta Ameerika.

Waxaa jira in ka badan 200,000 oo kiisas cusub ah oo sanad walba lasoo sheego.

Lama oga sida uu xanuunkan ugu faafo bani’aadamka balse xiriir dheer oo dhow oo lala sameeyo qof aan laga daweyn cudurka, muddo bilooyin ah, ayaa lagu qaadi karaa cudurka.

“Taariikhda juudaanka waa mid isku qasan kana adag sidii hore loo maleynayay,” ayuu yiri qoraa sare oo daraasaddan qoray, Prof Verena Schünemann kana tirsan Jaamacadda Basel ee Switzerland.

“Ma jirin in xisaabta lagu darsaday doorka laga yaabo inay xayawaannadu ka qaateen gudbinta iyo faafinta cudurka xilligii hore, sidaa darteedna, fahamkeenna taariikhda juudaanka waa mid aan dhammeystirneyn ilaa laga tixgeliyo arrimahaas."

Dr Stephen Walker, oo bare sare ka ah London School of Hygiene and Tropical Medicine ayaa yiri: "Shaki kuma jiro in xaaladaha qaar ay xawayaannadu u muuqdaan inay door ka qaataan, balse inta doorkaas la ekyahay marka xanuunka dunida loo eego lama qiyaasin waana ku raacsanahay, in shaqo badan loo baahan yahay.

"Waxaan u maleynayaa inay muujineyso in weli ay inoo taallo shaqo badan si si wanaagsan loogu fahmo isu gudbinta cudurka ee xilliyadii hore, annagoo dadaal ugu jirna isku dayidda iyo yareynta saameynta guud ahaan dunida."

Daraasadda ayaa lagu daabacay joornaalka, Current Biology.

Xigasho: BBC 

Category