
Waxa ay ahayd galab, sanadkii 2013, iyo degaanka Yamaarugleey, gobolka Doollo. Ina adeerkay Guuleed ayaa ii dhiibay warqad fiyoore dusha uga sawiran yahay, wuxuuna iga codsaday in aan u geeyo Nimco. Markii koowaad ma ahayn ee markii saddexaad oo uu warqad ii dhiibo ayay ahayd. Wuxuuse markaan igu adkeeyay in aan jawaab u keeno oo aanan faro marnaan kula soo noqon.
Wuxuu iga la haray taleefankaygii gacanta. Anteeno ma leh oo meeshu waa Itoobbiya gudaheeda, waxaa se ku jira miimori. Durba wuxuu shitay heestii Sirmaqabe:
Nin jacayl wareemayoo
Waagii guduutaba
Wanaaguu jeclaa
Dadka wayddiiyaan ahay…
Isaga oo qiiraysan ayaan gurigii ka baxay oo tuulada dhex aaday. Nimco, oo iyana ina adeertay ahayd, ayaan sii maray oo warqaddii u dhiibay. Waxaan ka codsaday in aan caawa fiidkii jawaab ku soo maro.
Qiyaastii saacad ka dib ayuu ii yimid Siciid oo guriga iiga danbeeyay. Wuxuu ii sheegay gadaashay in uu Guuleed aad u ooyay, ugu danbaynna gurigii ka baxay oo jihada waqooyi tuulada uga baxay. “Aan ka dabo tagno” ayaan isku mar niri. Waxaan is tusnay in wax walba ka suuroobi karaan, waayo, waan ogayn in uu jacayl waalani hayo, wax jixinjix ahna uu ka waayay Nimco.
Raadkiisii ayaan soo qaadnay, waxaanan ka daba nimid kolkii aasku madoobaaday. Wali wuu ooyayay, heestiina wuu dhagaysanayay. Waan joojinay, waxaanan wayddiinay halkee u socotaa? Caabudwaaq ayuu yiri. Maxaad ka doonaysaa? Nimco walaalkeed ayaan u tagayaa oo wayddiisanayaa. Oo Caabudwaaq 60km bay jirtaa ee maxaad gaari u raaci wayday? Kollay caawa ma seexdeen ee in aan iska socdo ayaan go’aansaday.
Waan yaabnay oo naxnay. Waxaan ku qancinnay in uu nala noqdo, gabadha walaalkeedna aan annagu raadinayno. Kolkii aan soo noqonnay ayaan Nimco u tagnay, wixii dhacay baan u sheegnay, wayse inaga diiday in ay xitaa wiilka la hadasho. Labo maalmood ka dib ayaan aniga iyo rag kale gaari qaadannay oo raadinnay walaalkeed. Kolkii aan keennay, isagana waxba way ka maqli wayday, wayna ka dhaaratay Guuleed.
Xaaladdu way inagu adkaatay. Waxaan raadinnay xal kale: gabar Nimco walaasheed ahayd oo kor uga waynayd oo warka haysay ayaan u tagnay. Waxaan ku qancinnay in ay Guuleed oggolaato oo ay guurkiisa aqbasho, sidaasna ku illowsiino Nimco. Way yeeshay, dabadeedna isagii ayaan taladii u keenay. Wuu nagu gacan sayray, wuxuuna yiri: “Caku iyo reer baaddiye. Ma waxa ay u haystaan in aan qooqanahay oo naag rabo!” Candhuufteenii ayaan dib u liqnay, talana gacanteena way ka baxday. Dhab ahaan intii aan garanaynay ayay dhaaftay.
Guuleed cuntadii ayuu ka go’ay, Yamaarugleeyna wuu isaga soo tagay. Wuxuu yeeshay aamus aanu lahaan jirin, iyo fikir. Gabi ahaanba kaftankii iyo furfurnaantii ayaa ka guuray. Wuu caatoobay, waana la isku sheegay. Ugu danbayn waxaa xaqiiqowday in uu maskax ahaan wax u noqday.
Waxaa la saaray Quraan badan, waxaana la geeyay isbitaallo kala duduwan. Laakiin xaaladdiisa wax badani iska ay beddelin. Waa lagu guuldarraysay in uu caadigii lagu yaqaannay ku soo noqdo. Labo sano ka dib kolkaas, 2015, ayuu safar dhulka ah u galay Xamar. Qolo ayaa kula talisay degaankaan sheekadaada laga hayo isaga tag waa intaas oo ay wax iska kaa beddelaan e. Isaga oo Baladweyn agteeda maraya ayay gaarigii uu la socday istaagay isbaaro u taallay Alshabaab. Guuleed ayay waraysteen, warkiisiina wuxuu noqday mid aan fadhin. Jawaabo iska wada hor imaanaya ayuu bixiyay, sidaas ayayna gaarigii uga la dageen. Kolkii hore waa la waayay, waayo, safarkiisa lagama warqabin. Maalmo gudahood se waa la ogaaday in uu kooxdaas gacanta ugu jiro.
Waa laga ergeeyay, balse durba way suuroobi wayday in laga soo daayo. Bilihii hore Alshabaab waxa ay ku adkaysteen in aysan aqbalayn ergada Guuleed doonaysa, inta ay iyagu baaritaan ku samaynayaan. Malaha way waraysanayeen oo ciqaabayeen si ay u xaqiijiyaan qofka uu yahay? Lama yaqaan.
Sanad ka dib war naxdin leh ayaa Hiiraan la inooga soo sheegay; Guuleed wuu geeriyooday baa ina soo gaartay. Oo sidee u geeriyooday? Diyaarad baa dukhaysay xabsigii lagu hayay oo halkaas ayuu ku dhintay? Oo maxay ku maagtay diyaaraddu? Alshabaab ayay u socotay. Wuxuu ahaa war naxdin, ciil iyo dhakafaar ku reebay qof walba oo Guuleed yaqaannay.
Ina adeerkay waxaa dilay saddex cadow: jacayl, Alshabaab iyo diyaarad daroon ah, ciwaanka qisadiisuna waxay taariikhda ku gashay “Jacaylkii La Dukheeyay.” Ilaahay ha u naxariisto.
W/Q: Dalmar Abdirahman