Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud , ayaa maanta xafiiska ku qaabilay danjiraha Taiwan u fadhiya Somaliland, Amb. Allen C. Lou.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Somaliland, ayaa safiirka ka guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka socda wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Taiwan Mr. Joseph Wu.
Kulankani Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, iyo danjiraha Taiwan u fadhiya Somaliland ayaa sidoo kale lagaga wada Hadley dardargalinta hawlaha iskaashi ee labbada dal ka dhexeeya.