Irland oo doonaysa in ay dib ugu celiso UK qaxootigii kasoo baxsadey mastaafurinta.

RH: Raysal wasaaraha Ireland Simon Harris, ayaa ka codsaday wasiirka cadaaladda dalkaas inuu golaha wasiirada hor keeno sharci dadka magan galya doonka ah ee horay ugu yimi UK dib loogu celin karo dalkaas.

Wasiirka cadaaladda Ireland Helen McEntee, ayaa sheegay in boqolkiiba siddeetan dadkii dhawaan dalkaasi galay ay ka yimaadeen UK iyagoo ka soo gudbay Xadka UK iyo Ireland.

Ra’iisul wasaaare ku xigeenka Ireland, Micheál Martin, ayaa sheegay in siyaasadda UK ee Rwanda ay durba saameyn ku yeelatay Ireland.

Sharciga ay UK, ku doonayso inay qaxootiga ku gayso dalka Rwanda ayaa sharci noqday khamiistii ka dib markii barlamaanka UK oggolaadeen xeerkii xukuumada dabada ka riixaysay.

Ujeedada ay dowladda UK, ka leedahay arrintan ayey ku sheegtay sidii dadka ka soo gudbaya kanaalka Ingiriiska u joojin lahayd. Balse wali wax magangalyo doona dib looguma celin UK.

In dadka loo qaado Rwanda, dowladda UK waxay sheegtay inay rajaynayso in duullimaadyadu ay duulaan gu’ga laakiin Raiisul wasaare Rishi Sunak, wuxuu sheegay in tani tahay inay hadda dhacdo tobban ilaa labo iyo tobban bilood gudahood.

Afhayeen u hadlay Ra’iisul wasaare Harris, ayaa sheegay in uu ka codsaday wasiirkiisa cadaaladda McEntee "inay soo jeedimo u keento golaha wasiirada todobaadka soo socda si wax looga bedelo sharciga jira ee ku saabsan magacaabista 'wadamo sadexaad' oo nabdoon iyo ogolaanshaha soo celinta codsadayaasha magangalyada caalamiga ah ee aan la aqbali karin ee UK.

Iyadoo la hadlaysay warbaabinta RTÉ's Six One News, wasiir McEntee waxay tiri: "Waxaa jira sababo badan oo aan u aragnay kororka socdaalka dhanka Ireland.

"Taasi waa sababta aan u soo bandhigayo socodsiinta degdega ah. Taasi waa sababta aan shir degdeg ah ugu yeelan doono golaha wasiirada usbuucan si aan u hubiyo inaan si wax ku ool ah dadka ugu celin karno UK waana sababta aan ula kulmi doono Xoghayaha Arimaha Gudaha [James Cleverly] si aan u soo bandhigno arrimahan Isniinta."

“Waxa aan diiradda saarayaa ka wasiirka caddaaladda ahaan ayaa ah inaan hubinno in aan helno qaab-dhismeed iyo nidaam socdaal oo wax ku ool ah," ayey tiri wasiirka cadaaladda Ireland.

Afhayeen u hadlay waaxda cadaalada ee Ireland ayaa BBC-da u sheegay in "arrinta ku saabsan dhaq-dhaqaaqa aan caadiga ahayn ee ka dhex jira CTA" aagga socdaalka guud ee u dhaxeeya Britain iyo Ireland looga hadli doono shirka wasiirada. "

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ireland Micheál Martin, ayaa sheegay in siyaasadda UK ee Rwanda ay la macno tahay in dadka ka baqayaan inay sii joogaan UK, taasna ay ka ku kalifayso inay ka gudbaan xadka Jamhuuriyada Ireland si aan loogu dirin Rwanda.

Ra’iisul wasaaraha UK, Rishi Sunak, oo wax laga waydiiyey hadalka wasiirka arrimaha dibadda Ireland,in hadaaladasii muujinayan in UK ay ‘dhoofinayso dhibaatada’.

 

isha warka. BBC

Category