Hargeysa(RH)Hibo Axmed Maxamed oo u dhalay Mujaahid magac ku leh dalka iyo dadka Somaliland oo lagu naanaysi jiray (Awoowo), ayaa sheegtay in ay la dhiban-tahay dhibaato dhinaca lugaha ah oo markii danbe u soo gudubtay dhanka Wadnaha. Islamarkaanna waxay iftiimisay in ay soo foodsaartey dhaqaale la’aan baahsani, markii ay meesha ka baxeen labadeedii waalid, Xukuumada Somaliland ay hagratay ilaa imikana ayna haysan cid garab-istaagta oo xaaladdeeda caafimaadna la socota
Hibo Axmed Maxamed waxay sheegtay inay mudo ku dhibaataysantahay dalka.,Sidoo kale, Hibo Axmed waxay ummadda islaamka ah ka codsatay in gar-gaar walaalnimo iyo mid naxariiseed ii fidiyaan, ilaahayna ugu baryaan in xannuunka I haya uu iga dul-qaado.”
Hibo oo arrimaha xaaladeedda ka hadlaysaa waxay tidhi“Maanta waxaan ka cabanayaa laba shay xannuun iyo dhaqaale la’aan, xannuunka ilaahaybaa keenna qaadanna, laakiin ma ihi qoys dhaqaale la’aanni hayso . Horta qofka waxa u dhaq-dhaqaaqa oo u socdaa waalidkii oo maanta ma hayso waalid ii soc-socdaa, ii hadlaa ii dhaqaaqa oo af iyo addin-baa igu caawiya midna ma haysto oo labadaydii waalid-baa way geeriyoodeen. Haddii aan haysan lahaa hadalkan-baa ma idhaahdeen oo warbaahinta ummaan gudbiyeen.”Ayay tidhi Hibo Axmed Maxamed waxayna hadalkeedii ku sii ladhay “Dhibta I haysataa waxay tahay waxa I xannuunaysaa lug oo waxaan ka soo dhacay lug oo dhakhaatiirta Somaliland waxba way ka qaban waayeen oo dhakhtar dibadeed tag bay igu yidhaahdeen oo waxan tagay dhakhtar dibadeed oo waxa la ii siiyay 10 kun oo dollar waxaan ka iibsaday fiise Turki ah oo waxaan ka goostay tigidhkii oo waxaan dhakhtar tukiga ah ku jiray saddex bilood iyo waxoogga , kadib sahaydii baa iga go’day
“Dawaddii luga la dawayn lahaa waxa ka hor-istaagay Wadnaha oo dawooyinkii aad cuntay ayaa wadnaha wax ku yeelay oo wadnaha ayaa ku bararsan oo marka 1-aad waxay noqonaysaa in wadnaha bararka laga riddo dawooyinkii wax-yeelanayna laga maydho, kadib-baa lugtii wax loo qaban karraa. Maanta caqabadda ugu wayn ee I haysataa waxay tahay annigoo dawadaydii arkayaa ayaan ka soo dhaqaaqay (Yacni waxaan noqday qof isagoo gaajoonayaa inta cunto la hor-dhigay cuntaddii laga hor-qaaday. Sababta aan taa u leeyahay waxa weeyi anigoo dawadaydii arkayaa ayaan ka soo dhaqaaqay, waxaan waayay oo aan tahli-waayay dhaqaale aan ku soo iibsaddo dawo.Markii aan dalka dib ugu soo noqday ayaan aayaday aabbo ku idhi maxaad ii haysaa? Ee aad igu tallo-gashay, waxay igu tidhi maxaad u joogi wayday ?, hayee han jooge ma xumma oo imikaba waan noqon karaa ee han jooge maxaan ku jooggaa. Waayo hooyo iima joogto, aabbo iima jooggo oo adigaa waalid ii ahaa oo imaad soo xidhiidhin oo xitaa is-maad odhan ka war-doon oo waxay igu tidhi anigu shillin kuuma hayo. Maanta waxaan ahay qof hantidiisii arkayaa haddan ka xannuunsanayaa oo dhaqaale uu meel ku taggo haysaan.”Ayay tidhi Hibo Axmed Maxamed (ina-Awoowo)
Dhinac kale, Hibo waxay iftiimisay in dhaqaalihii ka go’ay oo ay dib dalka ugu soo noqday markii cid dhaqaalaheedda ka faallo-qaado wayday “Markii dhaqaalaha tobanka kun la iisiinayay waxaan ku idhi halka aan tago waa dibadda gaar ahaan dalka Turkiga oo aan xaalad caafimaad u tagayo oo hooyo iyo aabo iima joogan. Haddii uu dhaqaaluhu iga go’o maxaan samaynayaa, waxay igu yidhaahdeen waynu soo waddahadlaynaa oo waannu ka soo daba-diraynaa . Wax layga soo daba-diro iska daayee xitaa imay soo xidhiidhin. Kadib aniga ayaa soo xidhiidhiyay oo waxaan ku idhi intaad sharciga guriga qaadaan oo aad nootaayo qortaan dahab-shiil geeyaa oo dayn bay bixisaa ee daynta ka soo qaada oo dabadeed ii soo diraa lacagta, tii may suurta gelin oo hadalkaygiiba waxba kamay soo qaadin baa oo ilayn iyagu ma xannuunsanayaannee”
Gaba-gabadii Hibo Axmed Maxamed (Ina Awoowo) waxay bulshadda ka codsatay in duco iyo gar-gaar la isugu soo darro“Haddaba ummada islaamka ah waxaan ka codsanayaa in gar-gaar walaalnimo iyo mid naxariiseed ii fidiyaan, ilaahayna ugu baryaan in xannuunka I haya uu iga dul-qaado.”