Qalbidhagax oo yimid Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaarayCabdikariim Sheekh Muuse, oo caan ku ah magaca Qalbi-Dhagax.

Qalbiga dhagax oo la socday diyaarad ka timid Nairobi, ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana soo dhaweeyay wasiiro ay ka mid yihiin gaashandhigga iyo arrimaha gudaha iyo xildhibaannada cusub ee labada aqal ee baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay.

Ma cadda u jeedka uu u yimid, laakin warar la isku haleen karo ayaa muujinaya in maalinta Axadda oo bisha May ay ku beegan tahay 15 uu hadal u jeedin xildhibaannada labda golle oo isla maalintaas dooran doona madaxweynaha cusub ee afarta sanno ee soo socta ka arrimin doona Soomaaliya.

Imaatinkiisa waa la hadal hayay maalmahan, laakin lama sheegin waxa uu imaanayo.

Qalbidhagax ma ahayn nin caan ka ah Soomaaliya, laakin bishii August sannadkii 2017-dii ayaa la bartey xilligaas oo dowladda federaalka ee hadda joogta ay u gacan galisay dowladda Ethiopa.

Qalbidhagax ayaa la sheegay inuu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF oo dowladda Ethiopia sannadkii 2018-kii ay ka saartey liiska argagixisad, wuxuu ka soo qabtey xilal kala duwan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category