Mucaaradka oo mudaaharaadyo ku qabanaya magaalooyinka Somaliland

Hargeysa (RH)-Labada xisbi mucaarad ee ka dhisan Somaliland ee kala ah Wadani iyo UCID, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay bannaanbaxyo ka dhigayaan magaalooyin ku yaalla Somaliland.

Hoggaamiyayaasha labada xisbi ayaa taageerayaashooda ugu baaqay in ay ka soo qeybgalaan bannaanbaxyada oo ka dhacay xafiisyada ay ku lee yihiin magaalooyinka waaweyn.

Eng Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro oo madax u ah labadan xisbi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuusan dooneynin in ay dhacdo doorashada madaxweynaha ee loo asteeyay bisha November ee sannadkan.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo xaley saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in mucaaradka loo oggolaaday in ay qabsadaan bannaanbaxyada, laakin cid kasta oo meel ka baxsan meelaha loo cayimay bannaan bax ka dhiga in tallaabo laga qaadi doono.

"Waxaa la farayaa ciidamada in ciid Allaale oo goob aan loogu talagalin mudahaaraad ka qabaneysa nabad galyo iyo khalkhal amni ayey qaranka ku abaabureysa waxaa ka qaadeysaa tallaabo sharci ah" ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Radio Hormuud

Studio 3

Hargeysa Somaliland

Category