Mucaaradka Somaliland oo mar kale war ka soo saaray dibadbaxyadii ay ku baaqeen

Hargeysa (RH)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dibadbaxyadii ay bilaabeen Khamiistii oo aanay joojinayn.

Mudaharaadadaas ka dhacay Hargaysa iyo magaalooyin kale oo Soomaaliland ah ayaa rabshadihii ka dhashay ay dad shacab ahi ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen. Tan iyo maalintaa waxa soo baxayey baaqyo ay dirayeen culimaa'udiinka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee Somaliland oo ay ku codsanayeen in dibad baxyada la joojiyo oo khilaafka siyaasiga ah lagu dhameeyo wadahadal. Balse gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta BBC u waramay ayaa sheegay in dibadbaxyadani ay sii socon doonaan.

"Muddaaharaadyadii way sii socon doonaan ma aanan hakin," ayuu yiri Mr Xirsi. Waxaa uu intaa ku daray in maalmihii la soo dhaafay ay ku mashquuleen booqashada dadkii ku dhaawacmay iyo aasidda kuwii ku dhintay mudaaharaadkii Khamiistii dhacay. "Waxaanu ku mashquulsanaayeen labadii cisho ee Jimcihii iyo Sabtidii inaanu dadkii dhaawaca soo booqanno, dadkii la xiray wax ka ogaano, dadka la aasayana aan aaska kala qeyb galno," ayuu intaa ku daray. Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhanka kale sheegay in baaqyada ah joojinta dibadbaxyada aysan jirin cid ula timid oo kala hadashay islamarkana ay dibadbaxyada sii wadi doonaan.

"Caado uma lihin in aan baaqyada dhegaha ka fureysano. Ma jirto cid aanu ka wadahadalnay oo ay nooga timid arrintaasi oo mudaaharaadka joojintiisa aanu ka wadahadalnay oo aanu isla qaadanay," ayuu yiri gudoomiye Xirsi. Mr Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhanka kale diiday in ay madaxda mucaaradka qaataan masuuliyadda dadka ku waxyeeloobaya dibadbaxyada.

"Dhibka cidda geysanaysa ee dadkaasi shacabka ah ee boorarka iyo seeriga sita xabadda la dhaceysa baa ka mas'uul ah, dadka in ay xuquuqdooda raadsadaan way u dhintaan wayna u halgamaan, waan xuquuq dastuuri ah," ayuu yir Mr Xirsi.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka

Madaxwayne Biixi oo barbar taagan yihiin madaxda mucaaradka

Waxaa muddooyiinkii u dambeeyay mar kale sare u kacay khilaafka ka taagan muddeynta doorashada Somaliland, kaasoo u dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi iyo hogaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka ah. Dibadbaxyo Khamiistii ka dhacay magaalooyiin ku tirsan Somaliland ayaa waxa ay isu badaleen rabshado. Dibadbaxayaasha iyo booliiska ayaa isku dhacay magaalooyiinka qaar waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Khilaafka ayaa salka ku haya qabashada doorashada madaxwaynanimada maadaama mudda xileedka madaxwayne Biixi uu ku egyahay bisha November ee soo socota.

Arrinta kale ee muranka dhalisay ayaa ah furidda ururada siyaasada ee doorashooyiinka ka qeyb galaya.

Waxaa guldareystay isku dayo badan oo lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo xisbiyada mucaaradka iyo xukumadda Somaliland.

Xiggasho: BBC

Category